Ugu yaraan 7 qof ayaa geeriyootay, 22 kalena wey dhaawacmeen, kadib, markii ay Maleeshiyo ka soo kala jeeday Beelaha lagu kala magaacaabo Nuba iyo Bani Caamir.ku dagaalameen Gobalka Gadaref ee Bariga dalkaasi.
Wakaalladda Wararka Suudaan ee SUNA waxay ka soo xigatay Taliyaha Ciiddanka Ammaanka ee Gobalkaasi, Salaax Yaxye Abker inay dagaalladaasi bilowdeen habeenkii Sabtida ee la soo dhaafay.
Waxa uu intaasi ku daray in xaalladda la xakameeyey, balse, ma uusan bixinin faahfaahin kale.
Dhinaca kale, Isbahaysiga Xirfadlayda dalkaasi ee SPA waxay sheegeen inuu dagaalkaasi ka bilowday muran kooban oo dhinaca helitaanka biyaha la cabo ee Gobalka Gadaref, lana xaliyey khilaafkaasi.
Beelaha dagaalamay ayaa la sheegay in lagu kala magacaabo