DEG DEG:-Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Degmada Boondheere oo la dilay

War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxaa uu sheegayaa in Kooxo hubeysan gudaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo siyaasada degmadaas .

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyaka Boondheere dhinaca wadada soo aada Taalada Daljirka Daahsoon,isla markaan waxaa geystay kooxo hubeysnaa Bastoolado sida dad goobjoogayaal ah ay Dalsan u xaqiijiyeen.

Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Hiloowle,kaasi oo ku magac dheeraa Cali Dheere.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay,iyagoo halkaas ka qaaday Meydka,sidoo kalena baaritaano ka wada halkaasi.

Cali dheere ayaa ku gudoomiye kuxigeen u ahaa Gudoomiyihii hore ee Boondheere Cabdullaahi Xirsi istakiin oo hada ah Xildhibaan ka tirsan Galmudug.

Waa dilkii labaad ee ka dhacay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir tan iyo markii laguda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media