Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta ay ku soo duntay Goob Kaawa laga qodaayay qaar ka mid ah dadkii Kaawadaas ka Shaqeynayay.
Falkaan ayaa ka dhacay agagaarka Isbitaalka keeysaneey ee Duleedka degmada Kaaraan xili ay socotay Qodista Kaawada, waxaana la sheegay inay kaawadaas ku geeriyoodeen saddex qof oo ka Shaqeynayay,isla markaana ilaa iyo hada kaawada ay ku hoos jiraan dadkii halkaas ku dhintay oo aan weli laga soo saarin.
Dadka deegaanka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa la sheegayaa inay wadaan dadaalo lagu soo bixinayo dadkaas.