Waxaa maalin labaad Isbitaalka Magaalada Boosaaso yaalla Meydka Gabar yar oo shalay laga helay waddo ku taalla xaafadda Raf iyo Raaxo ee Boosaaso, taasi oo kamid aheyd dadka deegaanka, si arxan darro ahna loo dilay.
Wariyeyaal ku sugan Boosaaso ayaa sheegaya in saakay Isbitaalka ay buux-dhaafiyeen boqolaal qof oo doonaya inay arkaayan Meydka Gabdha yar oo weli la la’yahay eheladeeda iyo dadkii dhalay.
Dad dul-tegay Meydka Gabadha oo lagu qiyaasay 14-sano Jir ayaa sheegaya in Gabadha ay ka muuqdan dhaawacyo Culus oo loo geystay, sidoo kalena lama oga wax loo adeegsaday falkaas.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dad shacab ah ay  iska uruuriyeen lacagta Talaagada lagu rido meydka, kadib markii saacado badan uu Meydka Gabadha saarnaa dhagaxa loogu talagalay in la saaro Meydadka.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa wada baaritaano kala duwan oo ku aadan dilka loo geystay gabadha yar oo kamid aheyd dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa aad u hadalka haaya dhacdadaan, waxaana dadka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay u sheegeen inay ka xun yihiin falka dhacay, sidoo kalena laamaha amniga Puntland ugu baaqay inay baaritaano deg-deg ah sameeyaan.