Saraakiisha Ciidamada Booliska Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa ka qayb galay heshiis nabadeed oo ay deegaanka bacda ee duleedka Matabaan ee Gobolka Hiiraan ku gaareen beelo halkaas wada-dega
Maleeshiyaad kasoo kala jeeda beelaha heshiiska gaaray ayaa maalmo kahor shaqooyin sababay dhimasho waxaa ay ku dhex-mareen deegaanka bacda ee duleedka Matabaan, waxaana markii dambe kala dhex-galay Ciidanka Xoogga dalka.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in mudo bil ay lagu bixiyo diyada dadkii ku dhintay dhacdooyinkii dhacay todobaadkii hore, sidoo kale odayaasha labada dhinac iyo laamaha amniga ayaa ku balamey in la ilaaliyo nabada oo laga fogaado wax kasta oo keeni kara in ay soo laabtaan dilalka aanooyinla qabiil.
Sidoo kale Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Matabaan ayaa maalin kahor deegaan hoostega degmadaas ku dilay qof shacab ah, kadib muran soo kala dhex-galay labada dhinac, waxaana socda howlgal lagu raadinayo Askaria dilkaas geystay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay kulan la qaateen qoyska Ninka laga dilay, iyagoo ka dalbaday in dilka uu geystay Askariga uusan isku bedelin aano qabiil, wax kastana la dhameyn doono.