Dab xooggan ayaa goordhweyd ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Banaadir ee Muqdisho, waxaana socda dadaallo la doonayo in lagu damiyo dabkaasi.
Dabka oo ah mid aad u xooggan ayaa ka kacay sida wararku sheegayaan meelo Bagaash ah, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in koronto sababtay.
Uuro iyo qiiq ayaa circa isku shareeray, waxaana qarxaya oo hadda la maqlayaa qaraxyo ay sameynayaan maciishadda gubanaysa, taasi oo sababaysa in dabku uu sii baaho, oo uu goobo hor leh qabsado.
Gurmad ayaa socda, waxaana goobta gaaray Ciidamo Boolis, sidoo kale dadka ganacsatada ahaa ee hantidoodu gubanayso ayaa goobta ku sugan.
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco .