Dab xoog leh oo qabsaday Jaamacad weyn oo ku taalla Afrika

Dab xooggan ayaa qabsaday dhismaha jaamacadda ugu weyn Afrika ee Makarere ee dalka Uganda, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Kampaala ee Caasimadda dalkaas.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta dabka dhalisay, sidoo kale lama hubo in dad ay ku jireen gudaha dhismaha markii dabku kacayay, waxeyna maamulka jaamacaddu sheegeen in dabku yahay mid xooggan.

Waaxda dab damiska Boliiska ayaa isku dayaya xakameynta dabka, waxaana muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ka muuqanaya holac ka baxaya dhismaha caanka ah ee jaamacadda oo loo yaqaano Ivory Tower.

Dabka ayaa ku sii faafaya saqafka sare ee jaamacadda, waxaana socda dadaalo ballaaran oo lagu deminayo dabkaas, isla markaana waxaa agagaarka Xarunta Jaamacadda buux-dhaafiyay gaadiidka deb demiska iyo kuwo kale oo gurmad ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media