Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdirashkuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa dalbaday in Isbedel lagu sameeyo hoggaanka Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA kahor Doorashada dalka ee dhammaadka sanadkaan.
C/raxmaan C/Shakuur oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in si Cad looga wada hadlo arrimaha amniga Doorashooyinka dalka ka dhacaya ee heshiiska rasmiga ah laga gaaray.
Hay’addaha amniga dowladda Federaalka gaar ahaan Taliska NISA ayuu siyaasiga sheegay in sanadihii dambe ay Madaxda dowladda u adeegsanayeen danno siyaasadeed, ayna haatan doonayaan Isbedel lagu sameeyo hay’addaha amniga.
C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in tanaasulkii uu sameeyay Madaxwene Farmaajo uu kaliya ku koobnaa muddo kororsi, hayeeshee uu tanaasulka Farmaajo uu tilmaam iyo cadeyn u noqon doono markii uu dib u habeyn ku sameeyo Taliska NISA.
“Waxaan u baahannahay in si cad looga wadahadlo amniga doorashada, Hay’adaha Amniga ee dowladdu waxay ahaayeen kuwa dano siyaasadeed u adeega gaar ahaan Taliska NISA waxaan dalbaneynaa in dib u habeyn lagu sameeyo, Madaxweynuhu haddii uu tanaasulay waa inuu isbadal ku sameeyaa” ayuu yiri CC Shakuur.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kula taliyay in dad daacad ah oo wanaagsan, aqoona leh uu u dhiibo taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka .
Si kastaba hadalka Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Madaxweyne Farmaajo habeen hore shaaciyay inuu ka tanaasulay Doorasho qof iyo Cod in dalka ay ka dhacdo.