Kenya oo gacanta ku dhigtay dad Soomaali ah

Telefashinka maxaliga ah ee Citizen Tv ee dalka Kenya ayaa baahiyay in Ciidanka Booliska Gobolka Gaarisa ay gacanta ku dhigeen rag Soomaali ah, xili ay la socdeen gaari dowladeed.

Raggan Soomaalida ah oo 12 qof ahaa ayaa la qabtay, xili ay doonayeen inay si qarsooni ah ku maraan bar koontarool ah oo ku taalla Buundada Gaarissa-Tana, iyaga oo aan wadan dukumiintiyo caddeynaya dhalashooda, ayna saarnayeen gaari nooca loo yaqaano laan-guruusal.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in gaariga ay la socdeen raggaan uu yahay mid ka diiwaan-gashay Wasaaradda horumarinta Magaalooyinka Gaarissa, isla markaana lagu soo dhex-qariyay.

“Saraakiisha kadib waxay ogaadeen in aqoonsiga la siiyey uu ka duwan yahay midka gaariga dhabta ah, waxay kaloo ogaadeen in gaariga uu ka diiwaan-gishan yahay Wasaarada Horumarinta Magaalooyinka Garissa,” ayuu baahiyey Telefashinka Citizen.

Raggaas Soomaalida ah oo da’dooda u dhexeeyso 15 ilaa 35 sanno jir ayaa loo tabaaxay xabsi ay leeyihiin Booliska Kenya, waxaana haatan ku socda baaritaano kala duwan oo lagu ogaanayo halka ay kusii jeedeen, iyagoona Maxkamad lasoo taagi doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media