Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dab geystay khasaaro hantiyadeed oo farabadan oo Maanta jimco ah ka kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaalla bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Dabka oo socday dhowr iyo toban daqiiqo ayaa ka bilowday carwo dharka lagu iibiyo oo ku taalla qeybaha dahablaha, kadibna dabka ayaa kusii faafay goobo ganacsi kale oo ku yaalla qeybaha dahablaha iyo maacuunta ee Suuqa Bakaraaha.
Gaadiidka dab damiska ee Shirkadda hormuud iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii dambe gaaray aaga uu dabka ka socday, isla markaana ku guuleystay inay demiyaanka dabkaasi oo sida la tilmaamay geystay khasaaro hanti oo farabadan.
Qaar kamid ah Ganacsatada laheyd goobaha gubtay oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in dabka uu baabi’iyay ku dhawaad 50 Carwo oo lagu iibinayay dharka ciida ee sanadkaan iyo kuwo kale oo maacuunta lagu iibinayay, Xarun ay laheyd Xalwa Baariyow, iyagoona ganacsatada sheegay in hanti badan lagu laayay dabkaasi.
Dabka qabsada Suuqa bakaaraha ayaa mudooyinkan soo laalaabanayey, dhowr todobaad ka hor ayeyna aheyd markii sidan oo kale uu dab qabsaday qeybta Cabdalla shideeye loo yaqaano ee lagu iibiyo Electronikada ee Suuqa bakaaraha.
Sidoo kale dabkan ayaa ku soo aadaya xili suuqa bakaaraha iyo suuqyada kale ee caasimada mashquul xoogan uu ka jiray maalmahan, ka dib markii ay u soo dukaameysi tageen dad fara badan, diyaar garowga munaasabada ciida awgeed.