Shalay Gelinkii dambe ayaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka waxa ay soo saartay qoraal ay ku sheegtay in lagu hakiyay qandaraas mallaayiin Dollar ah oo uu saxiixay Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.
Hayeeshee warkaas waxaa Maanta jawaab ka bixiyay Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed,isaga oo sheegay in qorshahaas uu ahaa mid horay loo soo dhaafay sidii saxda aheydna ku baxay.
Waxa uu sheegay in sababta xilligaan qoraalka NISA u soo saartay ay tahay in uu isagu yahay mucaaradka dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Daawo Wareysiga Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.