Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka amniga Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta hortegay Xildhibaanada Golaha Shacabaka.
Wasiir Islow ayaa ka Jawaabay su’aallo dhowr ah oo ay weydiinayeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasi oo la xiriiray arrimo kala duwan oo ku aadan dhanka amniga dalka.
Xildhibaan Aamina oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa Wasiirka Amniga weydiisay halka uu ku dambeeyo Baaritaanka Weerarkii musiibada ahaa ee ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka Jawaabay Su’aashaas ayaa waxaa uu sheegay in baaritaankii ku socday qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka C/raxmaan Cumar Cismaam Eng Yariisow haatan uu marayo heer gaba-gabo ah, isla markaana Musiibadaas lagu dhammaday loo xiray dad kala duwan.
Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka ayuu si cad u sheegay in shaqsiyaad kale lagu raadjoogo, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerarka ayna soo Bandhigi doonaan markii uu soo dhammaado baaritaanka, hayeeshee ay weli socdaan baaritaano.
Si kastaba Qaraxii uu ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Allaha u naxariistee Marxuum Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Xarunta Gobolka ka dhacay 24-ka Bishii Julay ee sanadkan, waxaana qaraxaas Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.