DAAWO:-Soomaali hor leh oo Sweden ugu geeriyooday Coronavirus

Soomaali horleh ayaa lagu soo waramayaa inay Cudurka halista ah ee Coronavirus ugu geeriyoodeen dadka Sweden, kuwaasi oo kamid ah in badan 100 qof oo Cudurka ugu geeriyooday dalkaas.

Dadka kale ee Soomaalida ah ee kunool dalka Sweden ayaa la sheegayaa inay diidan yihiin inay guryaha joogaan, waxaana si caadi ah loogu arkayaa goobaha ay dadku isugu tagaan, xili dadka looga digayo inay tagaan goobaha isugu yimaadan.

Wariye Munasar Maxamed Cabdi oo ku sugan Sweden ayaa u kuurgalay xaaladda dhabta ah ee ka jira Sweden ka jirta.

Dalka Sweden ayaa kamid ah dalalka uu ku faafiyay Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana la xaqiijiyay in 3,447 qof oo kunool halkaas uu ku dhacay COVID-19.

Hoos ka Daawo Warbixin uu soo diray Wariye Munasar Maxamed.

Comments
Loading...