DFS oo Qalabka looga hortego COVID-19 ku wareejisay 2 M/Goboleed iyo G/Banaadir

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta qalabka looga hortego Cudurka halista ee Coronavirus ku wareejisay Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in qalabka looga hortego faafida Cudurka sidoo kale lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

“Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta ku wareejisay qalab loogu talo galay ka hortaga Cudurka Corona Maamulka Gobolka Banadir iyo Maamaul Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Qalabka ayaa waxaa Dawladda Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma Foundation” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ay Qalabka looga hortego faafida COVID-19 ku wareejisay Maamulada Puntland iyo Somaliland, iyagoona ka mahadceliyay.

Si kastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Qalabkan Caafimaad oo muhiimka ah ugu deeqay Ganacsade lagu magacaabo Jack Ma asaasaha Shirkadaha Ali Ababa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media