Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xukun ku riday laba Nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Labada Eedeysane ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Xuseen Daa’uud Cali Hafoow 23 jir ah iyo Cabdullaahi Maxamed Axmed Muxumed 34 jir ah,waxana labaduba lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Xuseen Daa’uud Cali Hafoow ayaa Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida waxa ay ku eedeysay in uu bambo ku tuuray Rugta Ciidanka Booliska waaxda Towfiiq 4/8/2018 sidoo kalena Gurigiisa laga helay 5 Bambo iyo Laba bustoolad.
Cabdullaahi Maxamed Axmed Muxumed lagu eedeeyay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa kireynta Guryaha,waxaana Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka Sida Xasan Cali nuur shuute uu sheegay in labaduba ay Maxkamada kahor qirteen dabiyada lagu soo eedeeyay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in lagu kala xukumay Xuseen Daa’uud Cali Hafoow 15 Sano oo Xasi Ciidan ah iyo Cabdullaahi Maxamed Axmed Muxumed 1 Sano oo Xabsi ciidan ah.
Hoos Ka Daawo Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabkas ida oo Xukunka ku dhawaaqaya.