Guddiga Difaaca Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Magacaabay guddi baaritaan ku sameeya weerarkii Hotelka Saxafi iyo sida ay ku heleen tuutihii ay wateen raggii weerarka soo qaaday.
Qoraal guddigaas Maanta ka soo baxay oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaan dhab ah weerarkaas lagu sameyn doono kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Afar xubnood oo ka tirsan Guddiga difaaca ayaa loo saaray baaritaanka,kuwaasoo xaqiiq raadin ah.
Guddigu waxa ay sidoo kale sheegeen in raggii soo weeraray Hotelka Saxafi ay wateen Dareeska Cusub ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya,waxana weerarkaas mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Guddiga.