Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa lagu qabtay kulan lagu xisaabtamayay qaar kamid ah Siihayaasha xilalka Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay saameynta ballaaran ee Cudurka halista ah ee Coronavirus ku yeeshay Bulshada Soomaaliyeed, xili Cudurka ay dad ugu dhinteen gudaha dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Qorsheysa Jamacaal Maxamed Cismaan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xuseen Maxamuud Sheekh iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo xubno kale oo su’aalo weydiyay Wasiirada.
Siihayaha Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xuseen Maxamuud ayaa waxaa uu kulanka ka sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli wado qorshe looga hortegayo saameynta uu Bulshada ku yeelan karo Cudurka COVID-19.
Hoos ka Daawo Muuqaalka Kulanka.