Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco shirka wadatashiga hannaanka doorashada ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada, inkastoo aanay weli caddeyn waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo Shirka Dhuusamareeb 3.
Magaalada waxaa inta ka horeysa Shirkaaas dhacaya shirar gaar gaar ah oo isugu jira kuwa Madaxda joogta magaalada iyo shirka Guddiga Farsamada ee ka baaraan-dagida tallooyinka la xiriira hannaanka doorashada.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa ku sugan Dhuusamareeb, kuwaasoo shalay gelinkii dambe illaa xalay shirar gaar gaar yeeshay.
Maalmaha soo socda Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo safaro ugu maqan Nairobi iyo Jabuuti ayaa ku wajahan Dhuusamareeb, iyadoo la filayo inay ka soo hormaraan wafdi hordhac ah oo ay ku jiraan xubnaha ugu jira Guddiga Farsamada, kuwaasoo aanay horay uga qeyb gelin shirarkii Guddiga Farsamada uu ku yeeshay Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shirka Dhuusamareeb 3 oo uu dhowaan soo gaaro magaalada, inkastoo aanu ka qeyb gelin shirkii Dhuusamareeb 2.