7 ka tirsan Boliska Masar ayaa lagu dilay weerar xilli dambe oo xalay ahayd ka dhacay Bar Kontorool oo ay Boliska ku lahaayeen meel ku dhow magaalladda Cariish ee Gobalka Waqooyiga Siinaay.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi waxay sheegtay inuu Sarkaal ka mid ahaa Askarta ku geeriyootay iska horimaadkaasi, iyadoo dhinaca kale 4 Maleeshiyo oo uu ka mid ahaa Is-qarxiye ay ku geeriyoodeen markii uu ku qarxay qarixii ay wateen
Ilo ka tirsan Ciiddanka Ammaanka Masar ayaa sheegay inay Maleeshiyo wadatay gaarida nooca Four Wheel drive ay weerar qorsheysan ka soo jeeday afarta jiho, iyagoo beegsaday bar ay Ciiddanku ku lahaayeen duleedka Al-cariish.
Dhinaca kale, Websaytka Kooxda Daacish ee AMAAQ ayaa lagu qoray inay iyagu ka dambeeyeen mas’uuliyadda Weerarkii ka dhacay dalka Masar.