Labo Diplomaasi oo Reer Galbeed ah oo xooraansi ku sameeyey arrintaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in qoryo badan oo ay Dowladda Somalia ku soo iibsatay Oggolaanshaha QM haatan dib loogu iibiyey Ganacsatadda Hubka ku iibisa Suuqa Madow ee Hubka ee magaalladda Muqdisho.
Iibsiga noocaasi ayaa waxay carqalad ku yahay Heshiiska 3 sanno jirsaday ee Dowladda Somalia loogu oggolaaday inay Hub ku soo iibsan karto, iyadoo ay ilaalo ku hayaan Guddiga QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea.
Labada Diplomaasi oo codsaday inaan la carabaabin, ayaa u sheegay REUTERS inay hayaan Caddaymo Sawiro ah oo ay ku xiusaabeen in 35 ilaa 40% qoryaha darandooriga u dhaca iyo Hubka Fudud ay Dowladda Federalka soo dejisatay haatan iib ahaan looga helayo Suuqa Madow ee Hubka ee magaalladdan Muqdisho.
Warbixinadda QM waxay caddeeyeen dhowr Kiis oo la xiriira in Hubka iyo Rasaasta Dowladda Federalka lahayd lagu iibiyey Suuqa, laakiinse, Caddaynta ay Diplomaasiyiinta iyo Xeeldheerayaasha u soo bandhigeen Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa noqonaysa mid dhamaystiraysa baaritaanka lagu hayo Arrintaasi.
Diplomaasiyiinta ma soo bandhigin tirada rasmiga ee hubka loo weeciyey in lagu iibiyo Suuqa Madow ee Muqdisho, balse ay Ganacsatadda Hubka ayaa Hubka ku qarsada qeybta dambe ee Gaadiidka iyo Dhismooyin ku yaalla Muqdisho.
Diplomaasiyiinta helay Baaritaankan Cusub waxay ka walaacin doonaan Golaha Ammaanka ee QM oo lagu wado inay bisha soo socoto ee November yeesheen Kulankooda Sannadlaha ee dib loogu qiimeynayo in Somalia laga qaado Cunaqabataynta Hubka.
REUTERS waxay qortay in mushaar-xumidda haysata Askarta Dowladda lagu yaqaano inay Hubkooda iibiyaan, si ay Kharajkaasi ugu quudiyaan Qoysaskooda.
Labo Xeel-dheer oo dhinaca Ammaanka oo fadhigoodu dhexe yahay magaalladda Nairobi ayaa u sheegay REUTER in 15,000 ilaa 20,500 oo Qoryaha Fudud soo degsatay Dowladda Federalka tan iyo sannadkii 2013-kii.
Aweys Xaaji Yuusuf oo ah Madaxa Siyaasadda ee Xafiiska Madaxtooyadda ayaa sheegay inay jiraan tiro Hubka Fudud oo dhinacooda ka dhacay.
Mas’uulkaasi oo la hadlay REUTERS ayaa sheegay inuusan beenin Karin Kiisaska noocaasi ah, oo ay mararka qaarkooda ku dhacaan Mushkiladda dhinaca Nidaamka, balse waxa uu xusay inaysan joogto ahayn.
Saraakiisha QM ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan Dhacdada la xiriirta Caddaynta loo hayo in Hubka Fudud ee Dowladda Federalka lagu iibinayo Suuqa Madow ee Hubka ee magaalladdan Muqdisho.
Golaha Ammaanka ee QM, waxay sannadkii 2013-kii qaadeen qeyb ka mid ah Cunaqbatayntaasi, si Dowladda Federalka u qalabayso Ciiddankeeda dagaalka kula jira Xarakadda Alshabaab.
QM waxay Somalia ku soo rogtay Cunaqabataynta Hubka sannadkii 1991-kii oo ay Dagaalo Sokeeye ka socdeen qeybo ka mid ah Goballadda Somalia.
Xigasho: REUTERS
©Radio Dalsan