Hadal ka soo baxay Naadiga Maxaabiista Falastiin ayaa lagu sheegay in Xaallad khatar ah soo wajahday Kumanaanka Falastiiniyiinta ku xiran Xabsiyada Israel.
In ka badan 5,250 Maxbuus oo ku xiran Xabsiga Nsqab ee ugu ballaaran Israel aya la soo weriyey inaysan ilaa shalay helin Biyo iyo Koronto, maadaama ay Maamulka Israel si ku-tala-gal ah u jareen.
Tallaabada Cunaqabataynta Israel ku soo rogeen Xabsiyada lagu hayo Maxaabiista Falastiiniyiinta waxay ku soo beegantay, iyadoo ay Maamulka Israel ay horey Cunaqabatayn baahsan ugu soo rogeen magaalladda Qasa iyo Guud ahaan Marinka Qasa.
Xoghayaha Tamarta Maamulka Yuhuuda waxa uu sheegay inuu isagu amray in Biyaha, Raashinka, Korantada iyo Shidaalka laga jaro dadka Reer Falastiin ilaa ay Xarakada Islaamiga ee XAMAAS sii dayn doonaan Muwaadiniinta Israel ee ay Maxaabiis ahaanta u haystaan.