Koox Ganacsato u dhalatay dalka Cummaan ayaa shaaciyey inay qorshaynayaan inay maalgashi ku sameystana gudaha Somalia, sida lagu daabacay mid ka mid ah Jaraa’idka ka soo baxa caasimadda dalkaasi ee Maskhat.
Saamileyda Shirkadda Shamiintadda ee Raysut Cement ee dalkaasi waxay sheegeen inay bishan July 2-dii Heshiis la galeen Shirkad lagu magacaabo MSG Group of Companies, si ay Wershad soo saarta Shamiintadda uga hirgeliyaan magaalladda Berbera ee dalka Somalia.
Saamileyda waxay tilmaameen inay Wershadaasi awood u yeelan doonto inay sannadkiiba soo saarto Hal milyan oo Tan oo Shamiinto ah.
Saamileyda Shirkadda Shamiintadda ee Raysut waxay kaloo sheegeen inay dhismaha Mashruucaasi ku kharaj gareyn doonaan lacag dhan ku-dhawaad 40 million oo Dollar.
Shirkadda Shamiintada ee Raysut ayaa sheegtay inay saamiga maalgelintood noqonayso 55%, halka Shirkadda MSG Group of Companies ay 45% ku leedahay maalgashiga Mashruuca Wershadda Shamiintada looga dhisi doono magaalladda Berbera.
Shirkadda shamiintada ee Raysut ayaa la sheegay inay tahay shirkadda ugu wax-soo-saarka ballaaran ee Shamiintada ee dalka Cummaan, waxayna ka hawl-galaan dalka Yemen, Bariga Afrika iyo dalalka kaabiga ku haya Badweynta Hindiya.