Shir jiraa’iid oo manta magaalada Muqdisho uu ku qabtay Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Berigga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa waxa uu faahfaahin uga bixiyay shaqsiyaad hoggaanka baarista dambiyada ee CID-a ay ku wadaan baaritaan ku aadan musuq-maasuq iyo wax is dabamirin.
Saraakiil ka kala tirsan booliiska iyo masuuliyiin ka shaqeynayay garoonka Aadan cadde ayuu tilmaamay in ay ku hayaan eedeymo la xiriira lunsashada hanta dadweyne isla markaana ay soo bandhigi donaan natiijada saxda ah marka baaritaanku dhamaado.
Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Berigga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise ma uusan shaacin magacyada shaqsiyaadka loo heisto eedaha la xiriira musuqa,waxaase uu tilmaamay in aan la aqbali Karin in si qaldan loo is ticmaalo lacagaha canshuurta ah ee shacbku ay ku kabana dowladooda.
Halkaan Ka Dhageyso Codka