Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda xilgaarsiinta Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 23 qof oo cusub ,taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,662.
Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 29 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Puntland (11) iyo Somaliland, waxaana tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,623.
Bukaannada cusub 20 mid ah waa rag, halka 9-na waa dumar, isla markaana ma jirin kiis dhaimasho oo la diwaan-geliyay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 767 qof.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.