Mascuud Cali Sheekh oo ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee lagu hayo Xeradda Qaxootiga ee Jesiiradda Manus ayaa waxaa soo weeraray rag Gangestaro oo u dhashay Deegaankaasi, waxayna ka dhaawaceen Madaxa.
Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee dalka Australia ayaa sheegtay inuu shilkaasi dhacay, kadib, markii ay weerar soo qaadeen Dibadbaxayaal
Xiisadda Iska horimaadka ee Qaxootiga iyo Dadka Deegaanka ayaa laga cabsi qabaa inay sii korodho, haddii ay Dowladda Australia go’aansato in Qaxootiga Dib-u-dejin loogu sameeyo Jesiiradda Mamus ee dalka Papua New Guinea.
Wargeyska The Saturday ayaa qoray Warbixin ay Hay’adda UNHCR ku sheegtay in Xarumaha lagu hayo Qaxootiga ee Jesiiradda Manus lala barbar dhigi karo Ammaanka Xabsiyadda ku yaalla gudaha dalka Australia.
Dhinaca kale, Wakiilo ka kala socda Hay’adda QM ugu qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) iyo Khubaro Caafimaad ayaa la filayaa inay maanta la kulmaan Saraakiish Waaxda Socdaalka ee dalka Australia, si ay ugu booriyaan in la xiro Labo Xarun ee lagu hayo Qaxootiga oo ku taalla Jesiiradda Manus ee dalka Papua New Guinea.
Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay sii kordheen Tacadiyadda iyo Dagaalladda ay isku geysanayaan 900 ee Qaxootiga ragga ee lagu hayo Xarumahaasi.
©Radio Dalsan