Ciidanka Dowladda oo howlgal lagu soo saaray Miinooyin fuliyay

Ciidamada Xoogga dalka ayaa saakay howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan inta u dhaxaysa Degmada Awdhiigle iyo deegaanka KM 50.

Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ku soo saareen Miinooyin lagu aasay wadadaas oo ay inta badan isticmaalaan gaadiidka ay la socdaan dadka shacab ah iyo kuwa Ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Howl-galkaaas miino soo saarinta ah ayaa waxaa sigaar u fuliyay iidamo ka tirsan ururka 66-aad ee Guutada 14 octobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed ee  ku sugan Sh/Hoose.

Taliyaha Ururka 66-aad ee Guutada 14-octobar ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gashaanle Axmed maslax Xuseen oo la hadlay idaacada Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa faah faahiyay Howl-galkaan ay sameeyeen Ciidanka.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in Ciidanka ay howlgalka kusoo saareeb miinooyin Al-shabaab ay ku aaseen wadada, kuwaasi oo la doonayay in lagu dhibaateyo shacabka waa sida uu hadalka u dhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media