Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Goordhow uu xilka iska Casilay Taliyihii Ciidanka Ilaalada ka haaya Madaxtooyadda dowlad Goboleedka Puntland.
Gaashaanle Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf oo ah Taliyaha is Casilay ayaa la xaqiijiyay inuu warqadiisa is casilaada uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Qardho.
Sidoo kale Taliyihii Ciidanka Ilaalada Puntland ayaa shaacin sababta keentay inuu is Casilo, hayeeshee wararka qaarkood ee la helayo ayaa waxaa sheegaya inuu isku Casilay Arrimo isaga gaar u ah.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa G/Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf xilka Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda maamulkaas u Magacaabay 3-da Bishii Maarso sanadkii hore ee 2019.