Sirdoonka Jarmalka (BND) oo shaacisay inay Hawlgalo Sirdoon ah ka fuliyeen dalka Somalia

Madaxa Hay’adda Sirdoonka dalka Jarmalka (BND), Gerhard Schindler ayaa difaacay xiriirka ay Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSA) wadaageen Hawlgal Sirdoon ah oo laga fuliyey gudaha dalka Somalia, si looga hortago cabsida dhinaca Argagixisadda.

Isagoo la hadlayey Guddiga Baaritaanka ee Bundestag ayaa sheegay  inay hawlahaasi gacan ka geysteen dhinaca Sirdoonka, wuxuuna ku baaqay inaan la joojinin iskaashiga Sirdoonka Jarmalka iyo Hay’adda Ammaanka Gudaha Maraykanka ee NSA.

Mar wax laga weydiiyey Hawlgalka ay Hay’addaha Sirdoonka ka fuliyeen Somalia,  waxa uu xusay inay macluumaad xog ah ka soo ururiyeen  Somalia iyo Afganistan.

Hay’adda Ammaanka Qaranka ee Maraykanka ayaa horey loo shaaciyey inay dhegeysteen Telefoonka gacanta ee Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo ay Dowladda Federalka xaalladaasi ka gaabsatay inay ka muujiyaan cabasho.

La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Teknoolajiyadda ayaa horey u shaaciyey in Madaxweynaha loo keeni doono Telefoon aan la dhegeysan karin, isla markaana aan lagala bixin karin xogaha ku kaysan, balse lama og in Madaxweynaha adeegsado Telefoonkiisii hore iyo midka casriga ee loo baadi-goobayey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor