Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Awdiinle oo qiyaastii magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay u jira 30-km, iyagoo howlgalka ku dilay labo ka tirsan Al-shabaab, halka laba kalena iyo hubkii ay wateen gacanta lagu dhigay.
Taliyaha Qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabaka Sida u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheeysan ayna fulinayeen guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Xoogga dalka.
Taliyaha qeybta 60-aad Jeneraal Maxamed Sheekh ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba howlgalkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Awdiinle ay Al-shabaab weerar xoogan ku qaadeen.