Madaxweynaha dowlad Gobooleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacadaha soo socda tegaya Magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.
Safarka Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, iyagoo haatan ku sugan deegaano hoostaga Hobyo.
Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee soo dhaweynta Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa haatan ka socota Hobyo, waxaana saaka aad loo adkeeyay amniga Magaalada.
Madaxweynaha Galmudug dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay booqasho kooban ku tagay deegaanada Wargalo iyo Gal-barwaqo ee Gobolka Mudug.