Wararka aan ka heleyn deegaan duleedka ka ah Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Soomaaliya ay halkaas ka fuliyeen howlgal qorsheysan.
Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaan lagu magacaabo Danida oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana la sheegay in halkaas ay ku lahaayeen fariisimo gaadiidka looga qaado Canshuurta.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu dilay laba dagaale oo ka tirsanaa Al-shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay xubno kale waa sida halka loo dhigay.
Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ay uga hadlayaan howlgalka looga dilay dagaalyahano iyaga ka tirsanaa, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Danida ee hoostaga degmada Balcad
Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo Saraakiil Ciidanka ka fuliysay inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.