Guddoomiyihii hore ee Degmada Dhuusamareeb Axmed Macalin C/llaahi iyo Xubno kale, ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Maamulka Ahlusunna ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ay xabsiga u taxaabeen, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa.
Sidoo kale masuuliyiinta xabsiga loo taxaabay, ayaa waxaa ay wararku sheegayaa in ay kamid yihiin kuwo hadda ka tirsan maamulka.
Xubanaha, ayaa waxaa la sheegayaa in lagu wargaliyay in ay xabsi yihiin, iyadoona aan loo sheegin sababta loo xirayo, sida ilo wareedyo ay u xaqiijiyeen Radio Dalsan, xafiiska Magaaladda Cadaado.
Ma jirto war kasoao baxay masuuliyiinta Ahlusunna ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.