Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 4-aad ee guutada 16-aad Kummaandooska DANAB ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal ka sameeyeen wadada u dhexeeysa Degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka Ciidamada Dowladda ayaa intii uu socday waxaa lagu soo saaray miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah, kuwaasi oo la sheegay inay wadada ku aaseen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Taliyaha Ururka 4-aad ee guutada 16-aad Kummaandooska DANAB ayaa sheegay in Ujeedka howlgalka uu ahaa miino baaris, isla markaana uu howlgalka sii socon doono, si shacabka ay nabad ugu safraan wadada u dhexeeysa Balcad iyo Jowhar.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan oo lagu dilay Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, Guddoomiyeyaal degmo, Saraakiil Ciidanka iyo xubno ka kale waxaa ay ka fuliyeen wadada u dhexeeysa Degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.