Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta oo sabti ah kulan ku yeeshay Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland, iyadoo kulankaas looga hadlay arrimo kala duwan.
Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir guddoomiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana looga hadlay Arrimo ay kamid yihiin amniga guud, dhisidda Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax.
Sidoo kale inta uu socday kulanka Golaha Wasiirada ayaa qodobada looga hadlay waxaa ku jiray xaaladda Ayaxa, midaynta Akoonada Dowladda (TSA), dib u habaynta mushaharka shaqaalaha iyo dhismaha garoomada kubadda Cagta Puntland.
Ugu dambeyn Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland ayaa ansixiyey xeerka Isgaarsiinta Puntland, iyagoona Cod gacan taag ah u qaaday, waxaana kulankaas ka qeyb galay inta badan Golaha Wasiirada Maamulka.