Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ay la wareegeen deegaan ka tirsan Gobolkaas.
Ciidamada Dowladda ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay deegaanka Daarusalaam oo hoostega degmada Awdheegle, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dhowr jiho laga galay deegaanka, isla markaana markii dambe u suuga-shay Ciidanka inay la wareegaan deegaanka Daarusalaam oo in muddo ah ay gacanta ku hayeen shabaab.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ay wadaan howlgal miino baaris ah, Saraakiisha Ciidamada ayaa la filayaa in faah faahin ay ka bixiyaan howlgalkii dhacay.
Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday abaabul dagaal oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaanka Daarusalaam iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.