Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay kulan dood furan ah oo looga hadlay saameynta Cudurka halista ah ee COVID-19 uu ku yeeshay Ganacsiga dalka Soomaaliya, tan iyo markii uu Cudurka ka dilaacay dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre.
Wasiirka Ganacsiga ayaa sheegay in daraarasado ay ka sameeyeen saameynta cudurka ee Ganacsiga ay muujinayso inay jirto saameyn baahsan oo cudurku ku yeeshay ganacsiga dalka.
Sidoo kale Cabdullaahi Cali Xasan ayaa waxaa in Xukuumaddu ay mar walba ku dedaalayso siddii ay u xakameyn lahayd saameynta cudurkaasi.
kulankaas ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana dooda kulanka qeybinayay Xildhibaan Cali Jaamac Jingili.
Hoos ka Daawo Muuqaalka kulan.