Ciidanka Daalibaan oo rasaaseeyey Dad dhigayay Mudaaharaad ballaaran

Kooxda Daalibaan ayaa rasaas ku ridday dadweyne badan oo isugu soo baxay mudaaharaad ballaaran oo ka dhacay caasimadda Afghanistan ee Kabul.

Muuqaalo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya dad cararaya, halka rasaas xooggan laga maqlayay aaga uu mudaharaadka ka socday.

Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa Talaadadii isugu soo baxay waddooyinka iyaga oo dalbanaayay in la ilaaliyo xuquuqda haweenka isla markaana dhaleeceeyn u jeedinayay xukunka Taliban.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku dhawaaqayay halku dhigyo ka dhan ah Pakistan, maadaama dad badan ay rumeysan yihiin in dalka dariska la ah Pakistan uu taageero Taliban, taasoo uu dalku beeniyay.

Fiidiyow loo diray BBC-da ayaa muujinaya dagaalyahannada Taalibaan oo qoryahooda cirka u ridaya – tallaabadaas oo kooxda ay mamnuucday toddobaadkii hore.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor