Ciidamo farabadan oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta oo Axad ah lagu daadiyay waddooyinka waaweyn ee ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wariyeyaal ku sugan Baladweyne ayaa soo sheegaya in Ciidamo isugu jira Boolis iyo Milateri la geeyay waddooyinka Magaalada, kuwaasi oo ka wata gaadiidka nooca dagaalka, iyagoona sugaya amniga.
Sababta Ciidamada loo dhigay Waddooyinka ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii looga hortegi lahaa Banaanbax looga soo horjeedo Doorashada Maamulka Hirshabeelle oo la doonayo in lagu qabto Magaalada Baladweyne.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay gudaha Magaalada laga dareemayay abaabulka Banaanbaxa oo qaar kamid ah dadka deegaanka ay doonayaan inay dhigaan, iyagoona uga soo horjeeda dhismaha Cusub ee Hirshabeelle.
Ammaanka guud Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta aad loo adkeeyay, isla markaana waxaa la xiray wadada hormerta Saldhiga Booliska Magaaladaas, waxaana aad loo yareeray dhaq-dhaqaaqa wadada.