Waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ay yihiin kuwo xiran, iyadoo loo diidayo inay isticmaaladan gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay saaran yihiin dadweynaha iyo kuwo gaarka loo leeyahay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyaga oo taagan, isla markaana diidaya in la maro, waxaana xiran wadada Maka Al-mukarama sida, Banaadir, Soobe, Taleex, Tarabuunka iyo Waddooyin kale oo muhiim u ah isku socodka gaadiida iyo dadka.
Sababta loo xiray waddooyinka ugu muhiimsan Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta kormeer ku tegayo Isbitaalada kala ah Yardemeli, Banaadir, Madiina, Digfeer iyo Xarumo kale.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa shalay komeer ku shaqo tegay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, isagoo halkaas kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska, kalana hadlay arrimo kala duwan.
Dadka ayaa Maanta ah kuwa Cagtooda maalaya, isla markaan howlahooda shaqo iyo mida waxbarasho intaba ku tegaya lugta, waxaana lagu arkayaa iyaga oo socdaal ku maraya hareeraha laamiyada Caasimadda.
Inta badan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir ayaa dhibaatooyin ku qaba xiliyada ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoona goobahooda Ganacsiga iyo Waxbarashada ku tega Cagtooda.