Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ka mid ah deegaanno ay ciidamada dhawaan ka xoreeyeen Al-Shabaab.
Deegaannada ay ciidamada howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah Xaanshooley, Waraaboole, Doonweyne, Kaxaroow, Buulaloow, Maguurto-Baalgooy iyo Cumar Beerre oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliye Cabdullaahi Mustafe Cali Madaale Qaran oo howlgalka hogaaminayay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka laga sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose uu ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga.
Taliyaha ayaa sidoo kale shacabka faray inay la shaqeeyaan laamiga dowladda ee ku sugan degmada Afgooye, isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo wada falal amni darro, si wax looga qabto.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah Gobolada ugu amniga xun maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana Gobolkaas ka dhacay weeraro iyo dagaalo geystay khasaaro kala duwan oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.