Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022 oo ka furmay Magaalada Muqdisho  

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta daah-furay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Miisaaniyadda Qaranka loo qoondeeyay sanadka soo socda ay ka wanaagsan tahay sanadkii hore, marka la eego kororka dakhliga gudaha.

Kulanka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Suleyman Sheekh Cumar, Agaasinka Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda iyo hawlwadeennada Wasaaradda Maaliyadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor