Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa markii labaad gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Ra’iisul Wasaare iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladaa Federaalka oo sugan halkaas iyo xubno ka tirsan maamulka Galmudug,iyadoona intaas kadib loo galbiyay Madaxtooyadda Cadaado.
Inta uu ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cadaado ayaa waxaa uu kulamo kala duwan kula yeela doonaa Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka deegaanka,isagoona kala hadli doono sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen Shirka dib-u-Heshiisiinta Galmudu,kaasi oo dhawaan ay kasoo horjeesteen.
Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka reer Cadaado ayaa dhawaan ka soo horjeestay G’aankii uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,kaasi oo ahaa in Magaalada Dhuusamareeb ay taallo Gogosha Shirka dib-u-Heshiisiinta Galmudug.