Britain iyo Kenya oo ka wada hadlay Taageeradda AMISOM iyo la-dagaalanka Al-Shabaab

Wasiiru-dowlaha Britain ugu qaabilsan Arrimaha Afrika iyo Iskaashiga Caalamiga, Harriyet Bladwin iyo  Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha Kenya, ahna Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Abaabu Namwamba waxay ka wada hadleen Taageeradda Dowladda Britain ee  Hawlgalka Nabad-ilaalinta Somalia ee AMISOM.

Labada Mas’uul waxay Kulan gaar ah oo feer socday Shirweyne ay Wafuud ka kala socotay Mdowga Afrika iyo dhigiisa Europe ee EU-da shalay ku yeesheen Xarunta Ururka EU-da  oo ku yaalla caasimadda dalka Belgium ee  Brussels.

Waxay kaloo kulankooda kaga xaajooddeen  arrimaha Ammanka iyo Ammaanka ee Mandiqadda Geeska Afrika, inay dowladda Britain sii wadaan Taageerida  Hawlgalka AMISOM iyo xoojinta xiriirika Dowladaha Britain iyo Kenya.

Qaabilaadaasi ayaa ku soo beegantay, iyado Dowladda Kenya ka codsatay QM in taageero joogta la siiyo Ciiddanka AMISOM ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Dhinaca kale, Dowladda Britain ayaa sheegay inay marti gelin doonaan Shirweyne looga hadli doono Maalgashiga Qaaradda Afrika, kaasi oo sannadkan gudihiisa ka dhici doona magaalladda London.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor