Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay la wareegeen deegaano hoostaga degmadaas.
Ciidamada Jubbaland gaar ah kuwa howlgala Afmadow ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaan oo ay in muddo ah ku sugnaayeen,kaasi oo lagu magacaabo Xagar,waxaana halkaasi Al-shabaab iyo Ciidamada ku dhexmaray dagaal kooban.
Khasaaro kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaalkii ka dhacay Xagar,isla markaana soo kala gaaray labada dhinac,inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la yahay egyahay.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaankii Al-shabaab lagala wareegay ayaa sheegaya in xaalada haatan ay tahay mid degan,inkastoo Ciidamada Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaano kale.