Taliska ciidanka Guutada 5aad Q-27aad ee ciidanka Dhulka XDS ayaa hawlgalo Burburin ah ka sameeyey degaanada Baar, jaambayrow, iyo caloolacad Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Hawgalkan uu hoggaaminayey Taliyaha Guutada 5ad Q-27aad Ciidanka Dhulka XDS ayaa ujeedkiisu ahaa Burburinta goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin deegaanada howlgalka laga sameeyay, iyadoo Ciidamada ay guri guri u baareen deegaanka.
Intii lagu guda jiray baaritaanka ciidanku waxay ku guulaysteen in ay burburiyaan goob ay Al-shabaab ku farsamayn jireen walxaha qarxa iyo goob ay ku kaydin jireen dawooyinka, iyagoo ka baxsaday goobta.
Ciidanka Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Xoogga Dalka ayaa horey dhowr jeer deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ka sameeyay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.