Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maanta shir Guddoomiyay Shirkii Amniga Galmudug oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlya xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga deegaanada Maamulka iyo howlgaladii lagu xaqiijinayay amniga ee halkaas Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka ka fuliyeen.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir ayaa waxaa uu Saraakiisha Ciidamada Galmudug faray in ay laba jibaaran Howlgalada ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka socda deegaanada Maamulka.
Sidoo kale waxaa uu Madaxweyne Cali Daahir Ciid laamaha Amniga qeybahooda kala duwan faray in sare loo qaado Amniga Magaaloyinka Galmudug, maadaama lagu jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.
Shirkaan ayaa waxa Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga, Nabadsugida, Booliska iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo isla gartay xoojinta amniga.