Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaano ka tirsan gonolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladdu ay wadaan Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan.
Wararka ayaa sheegaya in qorshahaan uu la xiriiro sidii ay ciidamada dowladdu ula wareegi lahaayeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose oo ay faarujiyeen Alshabaab.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay iskaga baxeen deegaanka Janaale oo muddo ka badan 10-sano ay maamulayeen,iyada oo lala xiriirinayo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada Milatariga ee ku sugan gobolka.
Ilaa iyo haatan Alshabaab si rasmi ah ugama aysan hadal wararka sheegaya in ay faarujiyeen deegaanka iyo sababta ka dambeysa ka bixitaankooda.