Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee Degmada Afmadow Gaashanle Mahad Islaam u dalacsiiyay darajada Gaashanle dhexe.
Madaxweynaha oo kulan gaar ah la qaatay Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ee ku sugan Degmada Afmadow ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay u hayaan shacabka iyo nabadgalyada ay deegaankan kusoo dabaaleen.Â
Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe wuxuu ku amaanay Gaashanle dhexe Mahad Islaam wadaniyada iyo dal jacaylka uu muujiyay isagoo iska diiday soda uu hadalka u dhigay shirqoolka iyo afganbiga la doonayay in lagu minjo xaabiyo nabadgalyada Degmada Afmadow taas oo Dowlada Federaalka ah ay la damacsanayd Barakaca shacabka iyo qulqulatooyinka ka jira meelo badan oo dalka kamid ah ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Jubbaland.
Dhawaan ayay aheyd markii taliyaha Ciidanka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose uu sheegay in uu diiday qorshe dowladdu dooneysay in ciidmaada uu hogaamiyo kusoo wareejiyo gacanrana u geliyo degmada Afmafow dowladda fedraalka iyada oo lasiiyay Lacag balan qaadyo kalana loo sameeyay sida uu ku sheegay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada.