Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay fashiliyeen Wareer dagaalamaaysha Al-Shabaab ay qorsheeyeen in ay ku qaadaan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland.
Wararka aynu helauno ayaa sheegaya in uu dhacay iska hor imaad kooban oo u dhexeeya laabda dhinac, waxaana dagaalku uu ka dhacay halka loo yaqaanno Gaaca oo ku dhow Boosaaso.
Ciidamada ayaa hawgal qorshaysan kaga hortagay weerarka ay soo qorsheeyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana Saraakiisha Ciidanka oo hadlay ay sheegeen in ay goobta dagaalku ka dahcay ay ka saareen xubnihii weerarka soo qaaday, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Wararka aynu helnay ayaa intaa ku daraya in Ciidanka Puntland Qarax lala eegtay inta dagaalku socday, waxaana dhaawacyo soo gaareen Askarta qaar ka mid ah.
Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday gaari ay leeyihiin Ciidanku, waxaana gaariga la qarxiyay lahaa Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Saraakiishu wax faah faahin ah kama bixin Khasaaraha kale ee dagaalkaasi ak dhashay, waxaaan inta badan Al-Shabaab ay Puntland ka fuliyaan weeraro toos ah iyo Qaraxyo, iyadoo mararka qaarna ay gaytaan dilal qorsheysan.