Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa walaac xoogan ka muujiyay isku Milan uu sheegay inuu ka dhex jiro Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka NISA iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka.
Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayuu ku sheegay in in Taliyaha Ciidanka Xoogga Generaal Odawaa uu si toos ah uga amar qaato Taliyaha NISA, isla markaana labada Talis uu dhex jiro isku milan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga wadajir in amarrada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin, iyo beddelaad ee maalmihii la soo dhaafay CXD ka dhex socotay ay ahaayeen kuwo u adeegay dano siyaasadeed, waa sida uu hadalka u dhigay.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Taliska Ciidamada ayuu C/raxmaan C/Shakuur ugu baaqay inay danta Qaranka ka hormariyaan danaha shakhsiga ah, isla markaana si wanaagsan ugu shaqeeyaan Qaranka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur
Waxaan walaac xoog leh ka muujineynaa isku milanka Taliska Nabadsugidda (TN), iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka (CXD).
Waxaa soo baxaysa in taliyaha CXD uu toos uga amar qaato TN. Amarrada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin, iyo beddelaad ee maalmihii la soo dhaafay CXD ka dhex socotay waxay ahaayeen kuwo u adeegaya dano siyaasadeed, eex qabiil iyo ku takrifal awoodeed.
Saraakiisha xirfadda ciidan leh ayaa lagu beddelayaa kuwo daacad u ah Madaxweynaha iyo taliskiisa Nabadsugidda. Waxaa la tijaabiyaa daacadnimada saraakiisha sar sare ee ciidanka. Waxaa la soo reebayaa intii heyb qabiil iyo daacadnimo la hubo leh.
Sababta ugu wayn ee loo burburinayo xirfadda ciidanka, loona baabi’inayo mirihii dib u habeynta, waa in loo adeegsado sad-bursi siyaasadeed iyo ku takrifal awoodeed.
Waxaan ugu baaqeynaa saraakiisha ciidanka, gaar ahaan taliska CXD in ay danta Qaranka ka hormariyaan danaha shakhsiga ah, damiirkoodu hago, ilaashadaan diiwanka xirfaddooda shaqo ee mustaqbalka, daacadna qaranka u ahaadaan, kuna xisaabtamaan in ay tirsanyihiin maalamaha ka harsan muddo xileedka madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda.